You are on page 1of 2

ARTICLE: Aweys Cabdullaahi Cabdiraxmaan: Aqoonsiga

geesinimada shaqaale gargaar


SOURCE: UNSOM PUBLIC INFORMATION
RESTRICTIONS: This media asset is free for editorial
broadcast, print, online and radio use. It is not to be sold on
and is restricted for other purposes. All enquiries to
thenewsroom@auunist.org
CREDIT REQUIRED: UNSOM PUBLIC INFORMATION
LANGUAGE: SOMALI
DATELINE: 19/AUGUST/2018, MOGADISHU, SOMALIA

Aweys Cabdullaahi Cabdiraxmaan: Aqoonsiga geesinimada shaqaale gargaar

Isagoo ku gudajira shaqadiisa ayaa Aweys Cabdullaahi Cabdiraxmaan waxa uu dhowr


jeer ka gabbaday xabado lagu soo riday waxaa uuna si dirqi ah uu uga badbaaday
geeri, iyada oo waayaraganimadiisa ku aaddan fidinta gargaarka bani’aadamnimo ee
baahida weyn loo qabo ay u muuqatay sida qoraal laga soo diyaariyay aflaanta
dagaalka ee Hollywood.
Shaqada shaqaalaha gargaarka bani’aaddamnimada ee ka hawlgala gobollada
koonfurta iyo bartamaha dalka ee ay colaadaha ka jiraan ma aha mid loogu talogalay
dadka baqdinta ku jirta – maleeshiyaad hubeysan ayaa weli gacanta ku haya dhul
ballaaran ee miyiga dhinacaasi Soomaaliya, ayaga oo tobanaan kun oo qof ka hor
istaaga in ay helaan gargaar bani’aaddamnimo.
"Dadka bixiya taakulada muhiimka u ah dadka rayidka ah ee ku sugan goobaha ay ka
socdaan dagaalada waa bani'aadam dhab ah kuwaasi oo sidoo kale ay dhibaato
kasoo gaadho colaaddaasi," ayuu ku sharraxay Aweys oo 29-jir ah.
Sida uu isaga sheegay, Aweys noloshiisa ayaa aad u sigatay sannadkii hore kaddib
markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar gaadma ah ku qaadeen kolonyadiisa,
taasi oo wadday sahay caafimaad oo ay kasoo qaadeen caasimadda, Muqdisho, oo
ay u wadeen gobolka Baay ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
“Kolonyada gargaarka ee aan la soconnay ayaa lagu furay rasaas,” ayuu yiri Aweys,
oo ka soo jeeda Xudur ee gobolka Bakool. “Maalintaasi nasiib baan lahayn – qof ku
dhintay ama ku dhaawacmay ma jirin. Hase yeeshe, qalabka caafimaadka iyo
sahayda aan wadnay ayaa burbur xooggan gaaray.”
Colaadda iyo dhibaatada uu la soo kulmay ayaa saameyn ku reebtay shaqaalahan
gargarka ee da’da yar, kaas oo saaxiib dhow ku waayey weerar lagu soo qaaday
sanadkii la soo dhaafay.
“Agaasimaheenna u qaabilsan dalka oo dhan ayaa waxaa lagu dilay qarax ka dhacay
hoteel ku yaalla Baydhabo bishii Sebteembar ee sanadkii tagay,” ayuu yiri Aweys.
“Waxaa ay u bartilmaameedsadeen sababta oo ah waa nin ka shaqeeya gargaarka oo
dadka ka caawiyo in ay ka baxaan saboolnimada iyo baahida. Waa wax laga xumaado
in ay ayaga [Al-Shabaab] dilayaan dadkooda si arxan darro ah.”
In kasta oo uu halis badan leeyahay waddan ka soo kabsanayo in ka badan labaatan
sano oo dagaalo sokeeye ah, Aweys go’aankiisa ah in uu sii wado caawinta
Soomaalida ku jira xaalado adag waa mid aan isbeddeleyn.
“Firfircooni iyo farxad ayaan ka helaa caawinta dadka kale,” ayuu raaciyay. “Ajar
ayay leedahay, waxaa aana ka helaya degganaan.”
Aweys waxaa uu shaqaale ku hawlan arrimaha samafalka noqday 2011-kii xilligaas
oo ay Soomaaliya la tacaaleysay abaartii ugu darneyd muddo 60 sano gudahood.
Aweys oo ka soo qalin jabiyay Jaamacadda Simad oo ka qaatay shahaaddada
sayniska maareynta ayaa waxaa uu jeclaystay in uu kaalmeeyo bulshooyinka
Soomaaliyeed uuna ku caawiyo qoysaska in ay ka gudbaan macluushii xumeyd ee ay
ku dhinteen in ka badan 250,000 oo qof.
Waxaa uu ku biiray Arlaadi Aid, oo ah hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo wax ka
qabata saboolnimada isla markana wax barta dadka nugul si loo dhiso adkeysigooda.
Maadaama uu yahay madaxa barnaamijka u qaabilsan mas’uuliyadda shirkadaha
dhinaca bulshada, Aweys waxaa uu ku dadaalaa in uu yareeyo saameynta xaaladaha
cimillada daran. Waxaa uu sheegay in waayo aragnimadiisa ay bartay muhiimadda ay
leedahay diyaargarowga, isla markana ku dhiiriggelisay in uu la yimaado barnaamijyo
waara kuwaas oo ka badbaadin karaa bulshooyinka saameynta isbeddelka hawada.
“In diiradda la saaro wax soo saarka beeraha ee dadka beeraleyda, mashaariicda
ilaalinta biyaha, iyo in ceel biyood loo qodo xoola dhaqatada si ay biyo u helaan
sanadka oo dhan, ayaa ah qaar ka mid ah fikradaha wax ka beddeli kara nolosha
dadka nugul ee ku nool dalkan,” ayuu xusay Aweys.
Dadaalka hagar la’aanta ah oo uu Aweys ku bixinayo dadka baahan iyo kuwa
barakacay oo ku sugan Soomaaliya kama aysan ka fakinin in uu farriimo hanjabaad
ah ka helo Al-Shabaab, iyada oo ay kooxda maleeshiyaadka ah inta badan u diraan
farriimo qoraal ah oo ay ugu hanjabayaan. Si la mid ah shaqaalaha kale ee gargaarka,
shaqadiisa waxaa sii adkeeya colaadaha qabaa’illada ee soo noqnoqda ee ka jira
Soomaaliya.
Balse waxaa uu ku adkeysanaya in uu san waligii joojineyn hammigiisa ah in uu
caawiyo dadka baahan.
“Waxaa aan ku rajo weynahay in Soomaaliya ay maalin maalmaha ka mid ah gudbi
doonto saboolnimada, baahida iyo amni darrada,” ayuu yiri Aweys. “Waxaa aan
dhammaan dadka ku hawlan arrimaha samafalka ku ammaanaya geesinimadooda,
dadaalkooda iyo go’aankooda in ay shaqadan qabtaan.”
Maalinta Bani’aaddamnimada Adduunka oo la xuso 19-ka Agoosto ee sanad kasta,
waxaa lagu maamuusa shaqaalaha naftooda halis u galiya mararka qaarna u dhinta
in ay caawiyaan dadka kale, isla markana waxaa lagu ol’oleeya badqabkooda iyo
ammaankooda, iyo sii noolaanshaha, wanaagga iyo sharafta dadka ay saameyeen
dhibaatooyinka.

You might also like